Shirka Wadatashiga oo ku furmaya xasarado saddex geesood ah

Image
Is-maan-dhaafyadan ayaa lagu waddaa in ay si weyn u hareeyaan wadaxaajoodyadda madaxda Soomaalida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo u dhaxeeya hogaamiyeyaasha dowlada federaalka iyo maamulada ayaa la filayaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa guddoomin doona. Ra'iisul Wasaare Xamse Barre, ku xigeenkiisa Saalax Jaamac, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Madaale iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeybgalaya.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmay xilli ay taagan yihiin xasaraddo siyaasadeed oo saddex geesood ah kuwaasoo ka aloolsan degaanadda kala ah; Puntland, Koonfur Galbeed iyo gobolka Gedo.

Puntland

Madaxwayne  Saciid Cabdulaahi Deni oo muddo xileediisa ay bilooyin uga harsan yihiin ayaa xaadiri doona shirkan iyadda oo Puntland wajahayso xaalado adag oo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah.

Dhawaan ururada siyaasadda Puntland ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin doorasho u muuqata mid hal lug ku taagan taasi oo uu ururka KAAH isku koobay kaalintii guddiga TPEC, sidda ay ku doodayaan xeel-dheerayaashu.

Sidoo kale, waxaa sarre u kac xoogan laga dareemayaa qiimaha nolosha magaalooyinka Puntland. Dhibaatadan waxaa lala xiriiriyey xasilooni daradda siyaasadeed iyo hubanti la'aanta doorashooyinka.

Gobolka Gedo

Inkasta oo ay daganeyd xaalada gobolkan kadib doorashaddii 15-ka May, 2022, haddana waxay soo laba kacleysay ka gadaal markii ay todobaadyo kahor ka dageen Senator Fartaag iyo Wasiir Cabdirashiid Janan.

Dowladda federaalka ayaan wali caddeyn mowqifkeeda socdaalka mas'uuliyiinta. Balse, maamul goboleedka Jubaland ayaa kaga falceliyey baaq uu u diray ra'iisul wasaare Xamse oo ah in uu soo gacan-geliyo gobolkan.

Fartaag iyo Janan ayaa siyaasad ahaan waxay si weyn isku diidan yihiin madaxwayne Axmed Madoobe kaasoo dhankiisa madaxda federaalka waydiisatay in ay kala shaqeeyaan hanashadda Gedo.

Koonfur Galbeed

Muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xudun u ah qalalaasaha ka oogan magaalada Baydhabo kaasoo todobaadkii hore galay wajigiisii ugu horeeyay ee gacan ka hadalka.

Dowladda federaalka ah si lamid ah safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa taageeray soojeedin ka timid Villa Soomaaliya oo ah in kala aragti-duwanaanshiyaha jira lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Sikastaba lama ogga, haddii shirka wadatashiga madaxda Soomaalida uu buuga-dhayi doono jirooyinkan ama in uu baaziin kusii shubi doono taasoo haddii ay dhacdo bilow wanaagsan u noqoneysa maamulka Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM