Shirka Wadatashiga Qaranka oo furmay xilli Puntland maqan tahay

Image
Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

Furitaanka kulankan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay maqan tahay sababo ku aadan diiditaanka madaxweynaha muddo xileedkiisa uu sii dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni kaas oo isku-tolay rabitaankiisa shaqsiga ah iyo danaha maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM