Shirkado xirmooyin shidaal ku leh Soomaaliya oo bixiyey kirro lagu lahaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in shirkadaha Shell iyo ExxonMobil ay bilaabeen bixinta lacag kirro ahaan loogu lahaa oo ku saabsan xirmooyin shidaal oo ay ku leeyihiin dalka.

Maxamed Cabdiqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka, ayaa Khamiista maanta ah shaaciyay in lacagta ay haatan bixiyeen shirkadaha ay gaareyso aduun lacageed dhan 1.7 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Maamulka lacagtan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraaad wadaaga ee DFS Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF ku kala saxiixdeen magaaladda Baydhabo sanadkii tagay," ayuu hadalkiisa ku daray, sidda ku cad qoraal uu baahiyey.

Waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib ay shirkadahan bixiyaan Ijaarka, sidda lagu sheegay qoraalka wasiir ku xigeenku soo dhigay bogagiisa xiriirka bulshadda.

Mr Hilaal ayaa nan soo bandhigin cadadka guud ee kirada lagu leeyahay shirkadda, inta baaqiga ku ah marka laga jiro qadarka ay haatan bixiyeen iyo halka ay ku dhaceyso lacagtaas.

Bishii June ee sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii shirkadaha ay saxiixeen in ay dib ugu soo laabanayaan dalka maadaama muddo 30 sanno kahor ay waddanka uga baxeen xaaladihii amni ee ka jiray.

Soomaaliya, dal dhaca Geeska qaaradda Afrika, ayaa waxaa lagu tiriyaa dalalka leh shidaalka hase yeeshee ilaa iyo haatan laguma guulaysan qodista hal ceel, caqabadahana waxaa ka mid ah nabad-gelyadda oo liitada awadeed.

Royal Dutch Shell oo la aas-aasey February 1907 xarunteeduna tahay magaaladda The Hague ee dalka Netherlands ayaa kamid ah shirkadaha soo saara shidaalka ee ugu balaaran uguna saameynta dhaqaale badan ee aduunka.

ExxonMobil oo dhidhibadda loo taagey 30-kii November 1999, saldhigeeduna yahay Irving, gobolka Texas ee waddanka Mareykanka ayaa safka waxay kaga jirta shirkadaha shidaalka qoda isla markaana qiimaha sarre ka jooga dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM