Sidda warbaahinta caalamka uga falcelisay is-miidaaminta Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 60 ruux ayaa ku naf-weysay, tirro kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax is-miidaamin oo maanta ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho.

Cumar Filish, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka dhintay badankooda ay shacab yihiin u badan arday u kalaheysay goobaha Jaamacad iyo Iskuulo.

Turkiga ayaa xaqiijiyey laba muwaadin ay kaga dhinteen qaraxa. Injineerada waxay qayb ka ahaa dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Afooye oo ay maalgelineyso dowladda Qadar.

Qaraxaan oo noqonaya midkii labaad oo kaliya sanadkan 2019 gudahiisa ka dhaca isla goobtaan ayaa qabsaday warbaahinta gudaha iyo caalamka oo aad u hadalheysa.

Falcelinta saxaafada caalamka

Wakaaladda wararka AFP, oo soo xigatay illo amni ayaa ku warameysa in ku dhowaad 80 qof ay ku geeriyoodeen falkaan. "Goobta ay wax ka dhaceen ayaa ahayd mid mashquul ah," ayay raacisay.

Muuqaal-baahiyaha Al Jazeera ayaa kasoo xigtay booliska in bartilmaameedka weerarka uu ahaa bar ku taala isgoyska oo lacago looga uruuriyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.

Warbaahinta Reuters oo soo xigatay illo wareedyo caafimaad, ayaa baahisay in 61 qof oo shacab badan lagu khaarijiyey falkaan, oo aysan jirinkoox dusha saaratay.

BBC-da ayaa goobjooge kasoo xigtay in meesha ay wax ka dhaceen ay ahayd mid argagagax leh isla markaana daqiiqadihii ugu horeeyay lagu arkay meydad u badan arday Jaamacadeed.

AP, oo kamid ah wakaaladaha caalamka loogu akhriska badan yahay, ayaa sheegtay in qaraxaan uu ugu yaraan lamid yahay midkii Soobe ka dhacay sanadkii 2017-dii, kaasoo galaaftay in ka badan 700 shacab u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM