Sidee ayuu uga jawaabay Wasiirka Gaashaandhiga eedeyntii loo jeediyay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka jawaabay eedeymo dhawaan loo soo jeediyay xilli uu khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka hadlay shaqsiyaad isku dayaya in ay hor istaagaan howlgalka ka dhanka ah argagaxisada, isaga oo ka codsaday ciidamda in ay dadkaas hadal ka dhageysan.

“Waxaan nalaga rabaa inaa u dhaga nuglaan dacayaad walba oo lagu weecinayo dagaalkan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku baaqay in xoogga la saaro la dagaalanka kooxaha argagixisada ah oo aan la dhageysan wax kasta oo carqalad ku noqon kara dagaalka.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in uu sabab u ahaa dilal loo geystay Taliyeyaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, islamarkaana uu faragelin ku hayo shaqada taliska Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM