Siduu u dhacay qaraxa ay ‘AS’ ka fuliyeen deegaanka Laas Gacmay?

Image

LAAS GACMEY, Soomaaliya - Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lala beegsaday guri ku yaalla deegaanka Laas Gacmay ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku sugnaayeen madaxda maamulka Galmudug iyo xildhibaano ka kala socday baarlamaanka heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Jawaab degdeg ah ayay bixiyeen ciidamada ku sugnaa deegaanka, iyadoo rasaas xoog leh lagu riday baabuurkii qaraxa siday. Askari magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, ayaa xiray wadadii uu marayey gaarigaas, isagoo naftiisa u huray sidii uu u badbaadin lahaa madaxda Galmudug.

Qaraxa ka dhashay is hortaagaas ayaa sababay burbur soo gaaray hoyga ay dagan yihiin madaxda Galmudug iyo xildhibaanada, waxaana ku dhaacwamay Sen. Cabdi Xasan Cabdi Qeybdiid iyo Xil. Cabdisalaan Xaaji Dhabancad. Halka ay ku dhinteen labo askari uu ku jiro askarigii ka hor yimid gaariga qarxay.

Mas’uuliinta ku dhaacwamay qaraxa ayaa isla markiiba loo daadgureeyay deegaanka Wisil si ay u helaan dareeyeel caafimaad ka hor intaan loo soo galbin Dhuusamareeb.

Inkastoo ay ilaa haatan qaadin mas’uuliyadda qaraxa, Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kooxda ‘AS’ ay dooneysay in weerarkan ku baajiso gulufka colaadeed ee ku wajahan deegaannka Bacaadweyn.

Kala Soco Garowe Online Wixii Soo Kordha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM