Abshir Gaarane Axmed: Waa kuma fanaanka Al-Shabaabka isku bedelay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa caawa, 21 Janaayo, 2020, baahisay muuqaal uu kasoo muuqday Abshir Gaarane Axmed.

Abshir, oo qeyb kamid ah hees uu qaaday lasoo raaciyey muuqaalka, ayaa ka tirsan kooxda fanka ee gobolka Banaadir si gaar ah mas'uuliyiinta kooxdaas.

Sidda uu ku sheegay muuqaalka, Abshir oo u muuqda mid leh cod halaasi ah ayaa qirtay in uu ka mid yahay dagaalameyaasha hubeysan Al-Shabaab.

Sanadkii 2013-kii ayuu qaboolka ka qaadey in uu si rasmi ah kaga mid noqday maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Qoraal kooban oo kasoo baxay NISA kaasoo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu sheegay in loo gudbin doono hay'addaha garsoorka.

"Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagaxisada AlShaabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka NISA.

Tani ayaa xoojineysa sheegashooyin badan oo bilooyinkii lasoo dhaafay xoogeystay oo ku saabsan in Al-Shabaab ay ku dhex-milantay hay'addaha dowladda Soomaaliya.

Waa kuma Abshir Gaarane Axmed?

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayuu kasoo jeedaa, sidda uu ku sheegay dhowr wareysi oo uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Fanaankan la xag-jireeyay ayaa lagu waramay in uu xoghaye u ahaa Shamso Cali Macalim, oo ah agaasimaha waaxda dhanka fanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Qabashadiisa ayaa la fahansan yahay in ay timid markii uu soo far-muuqay Ilkacase, macalinkii dilaaga noqday ee dhowaan kasoo muuqday Talafishinka Qaranka.

Hay'adaha nabad-gelyadda ayaa la wariyey in ay baaritaano ku wadaan fanaaniin kale oo la xiray markii ciidamadu ku duuleen hoy ay ka deganaayeen Boondheere.

Eedeysanaha ayaa la tibaaxay in uu si ku meel gaar ah u qabtay xilka Madaxa Maaliyada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, isla markaana uu bixin jiray gunada "dilaayaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM