Somaaliya: Gudoomiye Waaxeed lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Dabley hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab, ayaa saaka dil ugu gaystay magaalada Muqdisho Mas'uul sare, oo katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Rag bastoolado ku hubaysan ayaa ku toogtey Foos Maxamed Xuseen, oo ahayd Gudoomiye waaxeed katirsan degmada Xamar-Jajab nawaaxiga Buundada 1aad ee degmadaasi.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay gurigeeda ugu galeen Haweeneydan, kadibna ay ku dhex-dileen Caruurteeda, xilli ay isku diyaarinaysay inay aado goobteeda shaqada.

Ciidamada amaanka ayaa goobta dilka uu ka dhacay gaarey, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan gacan-ku-dhiigliyaashii dilay Allah ha u naxariistee Foos, sida ay Goob-joogiyaal u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Xamar-jajab, oo ku aadan dilka Haweenaydaasi Gudoomiye Waaxeedka ahayd.

Al shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay dilalka Beegsiga ah ee ay ka fulinayso Muqdisho, kuwaasi oo ay ku qaarijinayso dadka u shaqeeya dowladda Federaalka iyo Askarta Hay'adaha amaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM