Somalia: 40 katirsan Al shabaab oo lagu dilay gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY, Somalia - Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in 40 katirsan Aal shabaab lagu dilay Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday duleedka magaalada Garbahaarey.

Cismaan ayaa xaqiijiyay in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay fuliyeen Duqeynta oo uu sheegay in lala bartilmaameedsaday Goob ay ku shirayaan hogaamiyaal katirsan Al shabaab oo ku taalla deegaanka Kalbis.

Wuxuu sheegay in weerar sidoo kale ay ku dhinteen saddex ruux oo ajaanib ah oo mid kamid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa Afrikaan Madow ah.

Duqeynta oo ahayd mid culus ayaa waxay Diyaaradaha Kenya gantaallo ku garaaceen deegaan kale oo lagu magacaabo Funuje, oo qiyaastii 20KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Garbahaarey.

Ma jirto wax war ah oo dhanka Al shabaab kasoo baxay oo ku aadan Weerarka Dauqeynta ah.

Todobaadkii tagey Diyaaradaha Militariga Mareykanka ayaa weerar cirka ah ka fuliyay deegaanka Kuunya Barrow oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo lagu dilay tiro Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM