Somalia: Al shabaab oo dib ula wareegay deegaan ku dhaw Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Malleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa dib ula wareegtay saaka deegaanka Mareerey, oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Goobjoogayaal ayaa GO u sheegay in Qabsashada Mareerey, ayaa ka dambeeyay, markii ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM isaga baxeen Deegaanka.

Mareerey ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal culus, oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al shabaab, kaasi oo lagu dilay ku dhawaad 5 ruux, oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay.

Maamulka degmada Afgooye wali kama aysan hadlin la wareegista deegaanka.

Ma ahan deegaankii ugu horeeyay oo ay ka baxaan ciidamada huwanta ah gobolka Shabeellaha hoose, islamarkaana ay dib ula wareegaan xoogaga ururka Al shabaab.

Inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn waxaa ku xooggan Al shabaab, oo inta badan weeraro jidgal ah, ku qaada Kolonyada gaadiidka ciidanka SNA iyo AMISOM.

GAROWEONLINE


Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM