Somalia: Al Shabaab oo sheegatay Dilal ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida, ayaa sheegatay Mas'uuliyadda Dilal Xalay ka dhacay magaalada Muqdishu.

Afhayeenka Kooxda Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta Afka Al shabaab ku hadasha ayaa qiray inay iyagu ka dambeeyeen Dilka Sarkaal Militariga Somalia kamid ahaa iyo 2 Oday dhaqameed kuwaasoo lagu toogtay caasumadda waddanka.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cilmi Nuur, oo ahaa Madaxii Gaadiidka Gurmadka Militariga ayaa waxay Rag ka tirsan Al shabaab ku khaarajiyeen xalay fiidkii Xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir.

Sidoo kale, Al shabaab ayaa dishay labo Oday dhaqameed oo Koonfur Galbeed kusoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Cabdullahi iyo Maxamed Abukar.

Dhammaan Kooxihii Dilalka gaystay ayaa baxsaday, mana jirto cid wali loo soo qabtey.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin Dilalka ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ee Muqdishu ka dhacay, kuwaasi oo qeyb ka ah Dilalka lagu bartilmaameedsanayo mas'uuliyiinta iyo Odayaasha Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM