Somalia: AMISOM oo shan qof ku dishay Baraawe

Image

BARAWE, Somalia- Ciidamada howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa shan qof oo shacab ah ku diley deegaan ku yaalla duleedka degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Maxamed Xaafaay oo ah Xildhibaan katirsan Barlamanka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in AMISOM ay Nin, Xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen labadaasi qof ku dileen deegaanka Wareer-maleh.

"Ciidamada AMISOM waxay si bareer ah ugu dileen Tuulada Wareer Maleh 5 ruux, oo kasoo jeeda Hal qoys, mana garanayno sababta ay falkaasi fuusha xun ugu geesteen shacabkaasi," Ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu tilmaamay in falkan uu dhacay markii AMSIOM qarax lagula eegtay deegaanka.

Xildhinaanka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Somalia inay baaritaan ku samayso dilka shacabka, islamarkaana cadaaladda lasoo taago Askarta AMISOM ee xasuuqaasi ka dambaysay.

AMISOM kama aysan hadlin dilkaasi oo aan ahayn midkii ugu horeeyay oo ka geystaan gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM