Somalia: AMISOM oo shan qof ku dishay Baraawe

Image

BARAWE, Somalia- Ciidamada howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa shan qof oo shacab ah ku diley deegaan ku yaalla duleedka degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Maxamed Xaafaay oo ah Xildhibaan katirsan Barlamanka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in AMISOM ay Nin, Xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen labadaasi qof ku dileen deegaanka Wareer-maleh.

"Ciidamada AMISOM waxay si bareer ah ugu dileen Tuulada Wareer Maleh 5 ruux, oo kasoo jeeda Hal qoys, mana garanayno sababta ay falkaasi fuusha xun ugu geesteen shacabkaasi," Ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu tilmaamay in falkan uu dhacay markii AMSIOM qarax lagula eegtay deegaanka.

Xildhinaanka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Somalia inay baaritaan ku samayso dilka shacabka, islamarkaana cadaaladda lasoo taago Askarta AMISOM ee xasuuqaasi ka dambaysay.

AMISOM kama aysan hadlin dilkaasi oo aan ahayn midkii ugu horeeyay oo ka geystaan gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM