​Somalia: Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax miino ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Somalia oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegayaan wararka uu helayo War-sidaha GO.

Inta la xaqiijiyay, waxaa ku dhinta Labo Askari, waxaana ku dhaawacmay Labo kale.

Weerarka ayaa ka dhacay; deegaanka lagu magacaabo Kabtan-laas, oo ku dhaw Janaale.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa  ah deegaan ay maalintii ciidanku ku baaraan baabuurta habeenkiina ay isaga tagaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarku dhacay xilli ciidamadu baaritaan ka wadeen bar-taasi Kantarool.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, waxayna sheegeen inay iyaga ku aaseen qaraxa goobtaasi ciidamada lagula eegtay.

Qaraxyada noocaan ah ayaa inta badan ka dhaca Koonfur Somalia, taasoo lala eeganayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM