​Somalia: Askari lagu diley Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Askari katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka Somalia, ayaa saaka oo Khamiis ah lagu diley magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay ku dileen Askarigan oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Toosow xaafadda Dabakaayo Madow, ee degmada Dharkeenley.

Dableyda ayaa sidoo kale qaatey Qoriga Askariga, kahor inta aysan baxsan.

Ciidamo ammaanka dowladda Somalia, iyo Saraakiil katirsan maamulka degmada, ayaa  gaarey goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga, sida uu noo sheegay Goobjoogaha.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilka Askariga, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab, oo ku caan baxdey dilalka noocan ee ka dhaca Muqdishu.

Dilalka iyo Qaraxyada Al shabaab, ayaa hoos u dhacay bishan, waxaana taasi ka dambaysay markii dowladda qaadey howlgalka xasilinta Caasumadda, oo si aad ah uga socda guud ahaan magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM