Somalia: Beesha Caalamka oo soo dhawaysay Doorashada Waare

Image

MUQDISHO, Somalia - Saaxiibada Somaaliya, ee Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay Doorashada Madaxweynaha cusub, ee maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen QM, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka ayaa loogu hambalyeeyay Waare Guushiisa uu ka gaarey doorashadii shalay.

Waxay sheegeen inay doorashadii Shalay ka dhacday magaalada Jowhar ay u dhacday hab wanaagsan oo Cadaalad ah, islamarkaana waafaqsan Dastuurka maamulka HirShabeelle iyo rabitaanka shacabka.

Waxaa loogu baaqay dhinacyada kale ee kasoo horjeeda HirShabeelle inay xushmeeyaan natiijada Doorashada, sidoo kalena ay ka fogaadaan ficillada wax u dhimaya hanaanka dowlad-dhisida Somalia.

Madaxweynaha cusub ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, waa Siyaasi kasoo shaqeeyay Wasaaradda Beeraha xilligii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkii kadib uu lasoo shaqeeyay Hay'adaha ICRC, FAO, UNDP iyo Laanqeyrta Cas.

Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Madaxweynaha cusub, waxaa ugu waaweyn dib u heshiisiinta Beelaha degga Labada gobolka ee maamulkaasi ka kooban yahay ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo maamulka cusub ee looga dhisayo Beledweyne ee HiirlaanLand.

GAROWONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM