​Somalia: Cali Gaab oo xilkii laga qaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyihii ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa xilkii laga qaaday, sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab), ayaa lagusoo waramayaa inuu si KMG ah u hayay xilkaas, iyadoo Teleefon loogu sheegay in jagadaas laga wareejiyay kadib markii uu lasoo xariiray Taliyahay ciidamada Booliiska Somalia, Jeneral Cabdixakiim Daahir Saciid.

Shaqada Taraafikada, waxaa lagusoo waramayaa inuu la wareegay Cali Maxamed Cali oo waddanka dibadiisa ugu maqnaa arrimo Caafimaad.

Cali Gaab ayaa booskan hayay saddexdii  bilood ee u dambeeyay kadib markii lagusoo magacaabay wareegto faraysay in mar kale loo dhiibay shaqadaas isagoo horay xilliyo kala duwan usoo qabtay.

Lama oga sababta keentay in laga wareejiyo iyadoo katagista booskaas loo isticmaalay Taleefon ahaan.

Mudane Cali Gaab, kama uusan hadlin sida uu arko in xilkii laga qaaday, iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Somalia.

Warar ayaa sheegaya inuusan Jagadan u hayn rasmi ahaan, balse uu kusii simayay Cali Maxamed Cali oo Arrimo caafimaad xilkiisa u gudan kari waayay.

Mas’uulka shaqada laag eryay ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay gobolka Banaadir, isagoo soo noqday taliyaha Booliiska gobolkaas, sidoo kale xilliyo kala duwan noqday Taliyaha Taraafikada, waxaana lagu tiriyaa mas’uuliyiinta ugu shaqada badan.

GAROWEOLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM