Somalia: Ciidamada Galmudug oo heegan sare la geliyay

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa heegan sare geliyay ciidamada amniga maamulkiisa, si looga gortago weeraro Al shabaab xilliga Caleema-saarkiisa.

Isagoo ka hadlayay magaalada Cadaado, oo uu shalay ku laabtay, ayaa Madaxweyne Xaaf wuxuu ugu baaqay ciidanka inay ka feejignaadaan shirqoollada ay maleegayso Kooxda Al shabaab Bisha Ramadaan.

Xaaf ayaa ka codsaday Shacabka ku nool deegaanada Galmudug inay la shaqeeyaan Laamaha amniga, islamarkaana ay kusoo wargeliyeen waxyaabaha ay ka shakiyaan ee lagu qalgelinayo xasiloonida, si looga hortago.

"Marti badan ayaa noo imaanaysa, waxaan ku baaqayaa in Nabad-gelyada laga shaqeeyo, oo Ciidanka lala shaqeeyo, islamarkaana dhamaanteena feejignaano," ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xaaf oo la doortay 3-da bishan, ayaa la filayaa in la caleema-saaro Maalinta Isniinta ee soo socota, oo ku beegaan Taariikhda 29-ka May, waxaana lagu wadaa inuu Xaflada ka qeybgalo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM