Somalia: Culimada oo iclaamisay in la Soomo Afar Bari

Image

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Ayaa ku dhawaaqday 4 Maalin oo Soon ah iyo In Maalinta Sabtida ah Dalka Oo Dhan Laga Oogo Salaad Roob Doon ah.

Afarta Maalin ayaa Hay’addu Sheegtay in ay ka bilaabaneyso Maalinta Arbacad ah ee nasoo Aadan, Maalinta Afaraad ee Sabtiga ahna Dalka oo dhan laga Oogo Salaad Roob Doon ah iyadoo dadlku ay Soomaanyihiin.

Hadalkaan ayaa Waxaa Barnaamij ka baxay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo Kale Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku boorriyay umadda Soomaaliyeed in ay iscafiyaan ayna badiyaan Baryadda Alle si uu Eebe nooga dulqaado Abaarta iyo Colaadda ku soo noqnoqotay Soomaaliya.

Baaqa Hay’adda Cilimada ayaa ku soo beegmaya iyadoo Xaalado Bani’aadanimo oo aad looga deyrinayo ay taagantahay dalka Soomaaliya.

Maaliyiin kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran Macaluul, iyadoo qaar kamid ah gobollada dalka laga soo sheegayo in dadku ay u Le’anayaan Cudurrada Faafa ee ka dhashay Macluusha.

SONNA

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM