Somalia: Dagaal dib uga qarxay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Dagaal xooggan ayaa dib uga qarxay saaka deegaanka Baar, ee duleedka magaalada Beledweyne, halkaasi oo shalay si arxan darro ah loogu dilay afar qof oo shacab ah.

Dagaalka socda, ayaa salka ku haya Anooyin Qabiil , waxaana  Dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan iyo AK-47, sida ay dadka deegaan u sheegeen GO.

Shalay degaanka Baar, oo 45KM dhanka Galbeed uga beegan waxaa lagu dilay labo hooyo iyo sidoo kale labo Gabdhood ay dhaleen, iyadoo dilkooda uu u kenay dagaal inuu ka dhex-qarxo labada beellood.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka socda duleedka Magaalada Baledweyne waxaa ku dhintay hadda labo ruux.

Maamulka Hiiraan, Odayaal iyo Waxgaradka ayaa waxay waddaan dedaallo lagu joojinayo colaadda sokeeye, ee ka socoto Tuulada, kaasi oo lagu daadinayo dhiigga shacabka abaarta ku dhufatay.

Gobolka Hiiraan ayaa ka dhaca inta badan dagaal Beeleedyo khasaarooyin sababa, kuwaasi oo salka ku haya aanooyinka qabiilka, muran ka dhasha, Ceelasha Biyaha iyo dhul daaqsimeedka.

Fahfaahinta Dagaalka, kala soco Wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM