GEDO: Diyaaradaha dagaalka Kenya oo mar kale duqeeyay Saldhig Al shabaab

Image

GARBAHAAREY, Somalia - Diyaaradaha ciidanka difaaca dalka Kenya (KDF), ayaa Duqeyn ka fuliyay xalay fariisamo Al shabaab ay ku leedahay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo.

Wararka GO uu ka helayo Saraakiisha gobolka, ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday degaanka Kulbis oo qiyaastii 20KM dhanka Waqooyi uga beegan Degmada Garbahaarey, halkaasi oo Al Shabaab ay ku leedahay Saldhigyo ay ku tababarto malleeshiyaadkeeda cusub.

Ciidamada Kenya ayaa Duqeynta fuliyay kadib markii ay heleen Sirdoonkooda Macluumaad la xiriira in deegaankaasi ay Al shabaab ku qorsheynaysay weerar ka dhanka Fariisamaha KDF ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

Militariga Kenya ayaa tilmaamay inay qiimeyn ku sameynayaan khasaaraha Al shabaab kasoo gaarey Duqeynta Diyaaradeed, islamarkaana ay dib ka fahfaahin doonaan. Al shabaab dhankeeda wali kama aysan hadlin weerarka, oo noqonaya midkii labaada oo Kulmis ka dhaca Mudo labo Todobaad.

Todobaadkii lasoo dhaafey, July 17, 2017, ayay KDF duqeeyeen Goob ay ku shirayeen hogaamiyaasha Al shabaab, oo ku taalla isla deegaanka Kulmis, waxaaya ay Saraakiisha ciidamada dowladda gobolka xaqiijiyeen in lagu dilay weerarkaasi 40 xubnood, oo saddex ajnabi ah ku jireen.

Ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la kulmay weeraro Askar badan uga dhinteen, oo Al shabaab ku qaadey saldhigyadooda Ceel Cadde oo dhacay [January 15, 2016] iyo kii Kulbiyow oo isna January 2017 dhacay. Labada Deegaan waxay kawada tirsanyihiin gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM