Somalia: Duqa gobolka Banaadir oo sameystey xaflad lagu caleemo saarayo

Image

MUQDISHU, Somalia - Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa lagu qabtay Muqdishu, taasi oo uu ka qeybgalay Ra'iisal Wasaare Kheyre.

Xafladda soo dhaweynta oo lagu qabya Hotel ku yaalla Muqdishu, ayaa dadkii goob jooga ahaa waxay ku amaaneen Thaabit in uu yahay nin mudan xilka loo dhiibay islamarkaana ka soo bixi kara waajibkiisa.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cali Maxamed Geedi, Sheekh Aadan Madoobe, Odayaal dhaqameed iyo dad kaloo badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb-galay munaasabada.

Kasoo qeybgaliyaasha Xafladda, ayaa ugu baaqay Gudoomiye Thaabit inuu ka shaqeeyo amniga, Horumarka Caasumadda, Maqaamka gobolka Banaadir ee awood-qeybsiga dalka iyo arrimo dhowr ah.

Ra'isal wasaraha Somalia oo aad ugu dhow siyaasad ahaan gudoomiyaha gobolka ayaa khudbad uu ka jeediyey goobta dadweynihii kasoo qayb galey kaga codsadey iney tageeraan duqa magalaada ee cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale gudoomiyaha cusub ee Banaadir siiyey bilad shaqo wanaag  xilli uu xilkaan hayey muddo 60 Cisho ah oo kaliyah.

Kahor Xafladda Hotel-ka, Dadweyne fuushan fardo iyo Mootooyin ayaa Thaabit lasoo maray wadooyinka magaalada Muqdishu, si ay ugu mujiyaan taageeradooda ay u hayaan.

Thaabit, oo soo noqday ku xigeenka Safiirka Somalia ee USA, ayaa tan iyo markii Xilka loo magacaabay  qaadey tallaabooyin ka duwan kuwii ay qaadeen Gudoomiyaashii isaga uga horeeyay Kursiga kuwasoo uu kala kulmay in shacabka qaarkiis mucaradan halka kuwo kale-na soo dhoweeyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM