Somalia: Haweenay 15 sano lagu xukumay oo Xabsiga ku geeriyootay

Image

MUQDISHU, Somalia- Haweeynay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somalia ku eedaysay inay xiriir la leedahay ururka Al Shabaab ayaa ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdishu, sida uu sheegay taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe  General Maxamed Sheekh Cumar.

Deeqo Diraac ayaa xukun 15 sano ah lagu riday sannadkii 2014 kadib markii Maxkamaddu sheegtay inay ku heshay dambi ah inay kooxda Al Shabaab cuntada u karin jirtay islamarkaana hubka u qarin jirtay.

Xukunka Deeqo wxaa kula jiray labo nin oo kale kuwaasoo loo haystay dilka gabar ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cusmaan oo la dilay bishii April ee sanadkaas.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay Shaafici Cabdi Xersi iyo Xasan Maxamuud Cabdi oo qirtay inay dileen Nafisa, waxaana bishii July ee sanadkii 2014 lagu fuliyay qisaasta ciqaabta ay mutaysteen.

Balse Deeqo ayaa ilaa waqtigaas ku jirtay xabsi ku yaalla magaalada Muqdishu, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay warar sheegaya inay xanuunsantahay.

Geerida Deeqo ayaa loo sababeeyay Xanuunka Macaanka, waxayna jiraneyd muddo 45 casho ah sida uu sheegayo Taliye ku-xigeenka Xabsiga dhexe General Maxamed Sheekh.

Taliyaha ayaa sheegay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaala xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina ay la tacaalayeen xaaladeeda caafimaad  dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo kuwa isbitaalka Xabsiga dhexe, islamarkaana baaritaan kadib la xaqiijiyey inay qabtay xanuunka Macaanka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM