Somalia: Haweenay lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii kuu dishay magaalada Muqdishu Haweenay shacab ah, oo kamid ah ahayd Ganacsatada dharka ku iibisa suuqa Siinaay ee degmada Wardhigley.

Haweenayda la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Xaliimo Cabdi Xayle, waxayna inta badan iibin jirtay dharka lasoo isticmaalo ee loo yaqaano Huudhayda, sida ay dadka Goob joogiyaasha u xaqiijiyeen Warsidaha GO.

Labo dhalinyaro ah, oo ku hubaysanaa bastoolado ayaa qaarijiyay Xaliimo, xilli ay Gurigeed kusii jeeday. Lama oga sababta loo dilay Hooyada Soomaaliyeed iyo kuwa dilay waxay yihiin.

Sarkaal katirsan booliska dowladda Somalia ayaa sheegay inay baxsadeen dablaydaas, isagoo intaasi ku daray inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan cida ka dambaysay falkan.

Dilkan ayaa ugu dambeeyay dilal qorsheysan oo mudooyinkii dambe ka dhacay Muqdishu, kuwaasi oo intooda badan ay sheegatay kooxda Al shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM