Somalia: Iska Hor-imaad ka dhacay magalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Iska hor-imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka iyo Koox hubaysan, ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdishu, ee Caasumadda dalka Somalia.

Dagaalka ayaa qarxay markii Ciidamo Howlgalka Xasilinta Caasumadda ay isku dhaceen Rag hubaysan, oo aan kamid ahayn Ciidanka dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Goobjoogiyaal ayaa GO u sheegay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen Is-rasaaseynta.

Mid kamid ah Dablayda hubaysan ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo iyo qorigiisa, iyadoo kuwa kale ay meesha isaga baxsadeen, kuwaasi oo Saraakiisha amniga ay sheegeen inay ku raadjoogaan.

Degmada Wadajir waxaa wali ku sugan Ciidamo qaab Beeleed u shaqeeya, oo Jidgooyo dhigta Gudaha degmada, islamarkaana aan ka amar qaadan dowladda Somalia.

Iska Hor-imaadka ayaa dhacay xilli Hogaamiye Kooxeedka hore Axmed Daaci uu sheegay inuusan Hubkiisa ku wareejin doonin dowladda Federaalka, illaa Al shabaab Hubka laga soo dhigo.

Ciidamada loo xilsaarey Xasilinta Caasumadda ayaa wado maalmahan Howlgallo ballaaran, oo lagu xaqijinayo amaanka Muqdishu, si looga hortago weerarada Al shabaab xilliga Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM