​Somalia: Iska Hor-imaad xooggan oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Mahad Cilmi Maxamed "Mahad Doolar", ayaa lagu soo qabtey Howlgal Caawa  Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ka fuliyeen magaalada Muqdishu. 

Wararka Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Iska Hor-imaad caawa uu ka dhacay Xaafada Beerta  Jaadka ee degmada Hodon, kaasi oo dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Malleeshiyada Mahad Doolar.

Ciidamada ayaa iska-caabin kala kulmay Malleeshiyaada, xilli ay wadeen Howlgallo ay ku baadi- goobayeen Koox hubaysan oo Beerta Jaadka ku dishay Nin katirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay "Madaxeey", waxaana la ogeyn cida ka dambaysa Dilkiisa.

Holwgal lagu soo xiray Mahad Doolar ayaa waxa uu qeyb ka yahay Barnaamijka Xasilinta Caasumadda oo maalmahan ka soconayay Muqdishu, kaasi oo lagu qabtey Hub iyo Walxaha qarxa oo aad u badan. 

Waxaa saaka ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir Howlgal hubka dhigis ah, oo Nin  hubaysan, oo kamid ahaa Koox Isbaaro u taallay halkaasi, taasi Baabuurta lacago baad ah looga qaadi  jirey. 

Tan iyo markii ay curatay Bisha Barakaysan ee Ramadan-ka, waxay dowladda Somalia xoojisay Ammaanka  Muqdishu, iyadoo Ciidamo gaar ah  la dhigay Waddooyinka waaweyn, kuwaasi oo Gaadiidka baara. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM