Somalia: Kenya oo duqayn ka fulisay Gedo

Image

CEEL CADDE, Somalia- Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa xalay Duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaanno ku yaalla gobolka Gedo, ee Koonfurta Soomaaliya.

Sida GO u xaqiijiyay Cusmaan Nuux Xaaji, oo ah ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Gedo, duqeynta diyaaradeed ayaaa ka dhacday Tuulo Al Shabaab maamusho oo ku taalla duleedka Deegaanka Ceel Cadde.

Gudoomiye Cusmaan wuxuu intaasi ku daray in weerarkaas lala beegsaday dagaalyahano iyo Horjoogayaal katirsan Al shabaab oo ku shirayay inta u dhaxaysa Ceel Waaq iyo Busaar, oo ku dhaw xuduuda Kenya.

"Duqeynta waxay ka dhacday goob ay Al shabaab ku maleegaysay weeraro ay ka fuliyaan gobolka Gedo, waxaana ku dhimatay dhowr dagaalyahan iyo hogaamiyaal sare," Ayuu yiri Cusmaan Nuux Xaaji.

Diyaaradaha Militariga Kenya ayaa abbaaray Kolonyo baabuur ah, oo ay la socdeen xubno katirsan Al shabaab oo ku sugnaa Ceel-Biyood ku yaalla meel 10KM u jirto Ceel Cadde.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas xilli aysan jirin warar kasoo baxay labadaas dhinac Kenya iyo Al Shabaab.

Dhanka kale, Abaar daran ayaa ka taagan deegaanada gobolka Gedo, oo dadka iyo duunyada ay u dhimanayaan Gaajo iyo Haraad, iyadoo uu hadda ka dillaacay Daacuun calooleed iyo Nafo darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM