Somalia: Maamulka gobolka Banaadir oo Banaanbax u qabtey Farmaajo [SAWIRRO]

Image

MUQDISHU, Somalia - Banaanbax lagu taageerayo Waxqabadka 100-ka Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo,  ayaa maanta ka socda  Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir Studium.

Boqolaal dadweyne oo laga kala keenay degmooyinka gobolka, iyo mas'uuliyiin ayaa ka qeybgalaya Dibadbaxa taageerada loogu muujinayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu kula hadlay Banaadir Studium dadka isaga usoo banaanbaxday, islamarkaana uga sheekeeyo waxa u qabsoomay 100-kii Maalmood ee uu joogay xarunta Villa Somalia.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaan Ciidamada ay xireen Wadooyinka muhiimka ah, ee ku dhaw Banaadir Studium, iyadoo laga mamnuucay Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano.

Warkan oo Fah-Faahsan kala soco, GaroweOnline.com

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM