Somalia: Maamulka gobolka Banaadir oo Banaanbax u qabtey Farmaajo [SAWIRRO]

Image

MUQDISHU, Somalia - Banaanbax lagu taageerayo Waxqabadka 100-ka Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo,  ayaa maanta ka socda  Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir Studium.

Boqolaal dadweyne oo laga kala keenay degmooyinka gobolka, iyo mas'uuliyiin ayaa ka qeybgalaya Dibadbaxa taageerada loogu muujinayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu kula hadlay Banaadir Studium dadka isaga usoo banaanbaxday, islamarkaana uga sheekeeyo waxa u qabsoomay 100-kii Maalmood ee uu joogay xarunta Villa Somalia.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaan Ciidamada ay xireen Wadooyinka muhiimka ah, ee ku dhaw Banaadir Studium, iyadoo laga mamnuucay Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano.

Warkan oo Fah-Faahsan kala soco, GaroweOnline.com

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM