Somalia: Madaxweynaha CAF oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta ee Qaarada Africa (CAF) Ahmad Ahmad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah booqasho ku tagey magaalada Muqdishu.

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Somalia Khadiija Maxamed Diiriye iyo madax kale ayaa Axmad Axmad kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde.

Mr Axmed Axmed ayaa lagu wadaa inuu booqdo Garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta waa-weyn ee Muqdishu, iyadoo uu la kulmi doono Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed sidoo kale la kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inta uu joogo Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM