Somalia: Madaxweynaha CAF oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta ee Qaarada Africa (CAF) Ahmad Ahmad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah booqasho ku tagey magaalada Muqdishu.

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Somalia Khadiija Maxamed Diiriye iyo madax kale ayaa Axmad Axmad kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde.

Mr Axmed Axmed ayaa lagu wadaa inuu booqdo Garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta waa-weyn ee Muqdishu, iyadoo uu la kulmi doono Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed sidoo kale la kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inta uu joogo Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM