​Somalia: Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan magaalada Galkacyo

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka Warsidaha GO ka helayo Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyaan Mas'uuliyiin katirsan maamulkiisa iyo Saraakiil Ciidan ay safar dhanka dhulka ah ku tagayaan Gaalkacyo.

Waxaa la adkeeyay Ammaanka deegaanada uu sii mari doono Madaxweynuhu, oo la dhigay Ciidamada isagu jira Military iyo Nabad Sugid.

Waa markii ugu horeysay oo uu Xaaf tago Gaalkacyo tan iyo markii la doortey 3-dii Bishii May ee lasoo dhaafay, waxaana safarkii kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu heshiis nabadeed la galay Cabdiwali Gaas.

Xaaf ayaa shaaciyay in maamulkiis Cusub, uu ka shaqeyn doono Nabada gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo oo wali qeybo kamid ah isku hor-fadhiyaan Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM