Somalia: Madaxweynaha Kenya oo booqasho ku tagay Dhoobley [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqasho ku tagay demgada Dhooblay oo katirsan gobolka Jubbada hoose, taasoo ku taalla xadka Somalia iyo Kenya.

Booqashadan ayaa warbaahinta Kenya, waxay ku tilmaamtay mid taariikhi ah, inkastoo uu ahaa socdaal aan horay loo sii shaacin.

Kenyatta oo ah taliyaha guud ee ciidamada Kenya, ayaa isagoo xiran dharka Askarta, wuxuu diyaarad Helicopter ah kagasoo degay Saldhigga Dhoobley halkaasoo ay daganyihiin ciidamo katirsan AMISOM, balse ka socda Kenya.

Ujeedka booqashadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid niyadda loogu dhisayo ciidamada waddankaas oo muddo toban sano ah ku sugan Somalia.

Kormeer kooban ayuu ku sameeyay dhammaan qaybaha uu ka koobanyahay saldhigga ciidamadaas, wuxuuna u jeediyay dar-daaran kadib markii uu salaan ka qaatay qaar kamid ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Wuxuu sheegay inay ka qayb qaateen bad-baadinta naf-badan oo waxa uu ugu yeeray cadowga Kenya qorsheynayeen inay ka fuliyaan gudaha waddankiisa.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu xusay inuu rajo ka qabo sidii Somalia ay u samaysan lahayd Milateri kafaala qaada amniga dalka, si ciidamadiisu ugu laabtaan Kenya.

Dowladda Somalia, ilaa hadda kama hadlin safarkan, iyo inay la socdeen imaansha Madaxweynaha Kenya.

Uhuru, ayaa dhawaan gali doona tar-tar adag oo ku saabsan doorashada la filayo inay dalkaas ka dhacdo, waxaan socdaalkiisa xadka Somalia lagu macneeyay mid uu ku raad-sanayo olole mar kale lagu dooran karo.

Askar badan ayaa dalkaas looga dilay gudaha Somalia, kadib markii kooxda Al Shabaab weerar kusoo qaaday saldhigyadooda Koonfurta waddanka kuwaasoo qaybtood la qariyay khasaarihii kasoo gaaray.

Mucaaradka Kenya oo arrintaas ka faa’iidaysanaya ayaa xukuumadda Nairobi ee imminka talada haysa ku tilmaamay mid ku fashilantay danihii loo igmaday, waxayna soo jeediyeen in ciidamadooda lagasoo saaro Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM