Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu, kadib markii uu kasoo qeybgalay Shirkii London.

Madaxweyne Farmaajo waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan labada Golle ee dowladda, waxaana loo galbiyay Villa Somalia.

Waxaa la filayaa inuu Saxaafada uga warbiyay Safarkiisa UK, iyo Shirkii lagu qabtay London, kaasi oo ay isagu yimaadeen in ka badan 40 dowladood iyo Hay'ado caalami ah oo arrimaha Somalia daneeya.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaarey Muqdishu waxaa ku jira qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda dalka.

Intii uu socday Shirka, wuxuu Farmaajo si gaar ah ula kulmay Madax sare, oo ay kamid yihiin wasiirka Difaaca Mareykanka, Ra'iisal wasaaraha Turkiga, Xoghayaha Guud ee QM iyo Madaxweyniyaal kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM