Somalia: Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka dagay magalaada Kismayo

Image

KISMAYO, Jubaland- Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ka dagay magalaada Kismayo xarunta maamulka Jubaland kadib markii casumaad rasmiya uu ka heley Madaxweyne Axmad Madoobe.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka ambabaxey magalaada Muqdishu ayaa sida wararka nagu soo gaaryaan waxaa garoonka diyaardaha Kismayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha maamulka Jubaland, ku xigeenadiisa, xubno ka tirsan golaha wasiirada, gudoomiyaha Barlamanka, xildhibaano iyo qaybo ka tirsan bulshada.

Mudane Farole ayaa ah safarkii ugu horeeyey uu ku tago Kismayo tan iyo intii maamulkaas la dhiso ayaa markii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland waxaa uu juhdi badan galiyey dhismaha Jubaland taasoo khilaaf weyn ka dhex abuurey madaxweynihii hore ee Federaalka Somalia Xasan Shiikh.   

Safarka Madaxweynihii hore ku tagey magalaada Kismayo ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu iska casiley kamid ahaanshaha guddiga Dastuurka KMG ee barlamanada Fedraalka.

Iscasilaada Senator Farole ayaa lagu macneeyey iney timid kadib markii uu ka qancey qaabka loo maamuley doorashadii gudoomiyaha gudiga Dastuurka taasoo lagu saleeyey habka qabaliga ee ragaadiyey hurumarinta hay'adaha dowliga.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM