Somalia: Mas’uuliyiin qarax lagula eegtay degmada Qansax-dheere

Image

QANSA DHEERE, Somalia- Qarax xooggan ayaa ka dhacay degmada Qansax-dheere, ee gobolka Baay oo ay maamulaan ciidamada maamulka Koonfur Galabeed iyo kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay GO in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay Makhaayad mashquul badan, oo inta badan ay fariistaan Saraakiisha maamulka degmada iyo ciidamada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Qansax-dheere Isaaq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in 7 ruux, oo kala ah Labo Mas’uul oo katirsan maamulkiisa iyo 5 skari oo ilaalo u ahayd ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Wuxuu intaasi raaciyay in Isbitaalka degmada la dhigay dhaawacyada, islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa.

Degmada Qansadheere oo 90-KM u jirtaa magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, ayaa waxaa go’doomisay Kooxda Al Shabaab tan iyo markii laga saarey sanadkii 2012-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM