​Somalia: Maxaabiis lagu dilay Beled-Xaawo

Image

BELED XAAWO, Somalia- Afar maxbuus ayaa lagu dilay meel ku dhaw saldhigga Booliska magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasi oo loo haystay shaki ah inay katirsan yihiin Kooxda Al shabaab.

Wariye ku sugan gobolka ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamada dowladda Federaalka Somalia ay afarta maxbuus kala soo baxeen xalay saqdiii dhexe xabsiga magaalada, kadibna ku wada toogteen bannaanka magaalada.

Maamulka degmada Beled-xaawo wali wax war ah kama uusoo soo saarin sababta maxaabiistan loo toogtay, iyadoo aan Maxkamad lasoo taagin islamarkaana aysan jirin wax xukun ah oo horey loogu riday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggan ay dileen ciidamada dowladdu ay ahaayeen dhalinyaro dhawaan lagu soo qabtey howlgal ka dhacay duleedka degmada, iyagoo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al shabaab.

Dilka noocan ah ayaa mudooyinkii dambe ka dhacayay gobollada Jubboyinka iyo Gedo, kuwasoo loo geysanayo xubno katirsan Al shabaab, ee lagu soo qabto howlgallada ama dagaalka dhexmaro iyaga iyo ciidanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM