Somalia: Maxkamadda Sare oo Laashay 8 Kursi oo kamid ah Aqalk hoose

Image

MUQDISHU, Somalia - Maxkamdda Sare ee dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaamaanta laashay 8 Kursiga oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, kuwaasi oo si qaldan ugu soo baxeen Doorashada.

Go'aanka Maxkamadda oo soo baxay 16-ka May ayaa yimid kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood, taasi oo ay soo gudbiyeen murashaxiintii u tartamay Kuraasta, oo sheegay in la handaday, lana Musuq-maasuqay.

Maxkamadda sare ayaa baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11-kii kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen.

Sida ku xusan Qoraalka Maxkamada waxaa dib loo soo celiyay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in 11-ka kursi la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub, oo xur iyo xalaal ku dhisan.

Kuraasta la laalay;

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay]

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

Dadka Maxkamadda usoo gudbiyey dacwada;

1. Muumino Sheekh Cumar

2. Aadan Maxamed Cali

3. Khaalid Cumar Cali

4. Maxamed Mukhtar Ibrahim

5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali

6. Malaaq Sidow Maadow

7. Ibrahim Saalax Dayfullah

8. Caasho Xaaji Cilmi

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM