Somalia: Nabadoon lagu diley magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan ayaa caawa Muqdishu ku dilay Nabadoon lagu magacaabi jirey Sayid Cali Cismaan Abtidoon, oo kamid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in Saddex dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bastoolado ay Nabadoonka ku dileen Afaafka hore ee Farmashi ku yaalla xaafadda Al-Baraka, ee degmada Hodon.

Kooxda hubaysan ayaa baxsatay, kahor inta aysan ciidamada Amniga soo gaarin Goobta.

Allah ha u naxariistee Nabadoonka la dilay Sayid Cali Cismaan Abtidoon wuxuu kamid ahaa Odayaashii Xildhibaanada kasoo doorey magaalada Cadaado, ee xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Laamaha Amaanka Muqdishu ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen amniga caasumadda, oo Billooyinkii lasoo dhaafay ee sanadkan ay ka dhaceen qaraxyo badan, iyo Dilal loo geestay Odayaal dhaqameed.

Gollaha Wasiirada Xukuumadda, ayaa maanta meel-mariyay qorshe cusub, oo lagu sugayo amniga, waxayna amar ku bixiyeen in la sameeyo ciidamo isku-dhaf ah oo ka kooban Boolis, Military iyo NISA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM