Somalia: Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Ugu yaraan saddex Askari ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Qaraxa ayaa haleelay Gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidanka Maamulka Jubbaland oo kasoo laabtay Deegaanka Janaay Cabdalle oo shalay ka saareen Al shabaab, sida Goobjooge uu u sheegay GO.

Ciidanka la qarxiyay ayaa waxaa la socday AMISOM iyo Ciidamo kale oo ajaaniib ah oo u dhashay dalka Mareykanka kuwaas oo dhawaan si wada jir ah Howlgal ugala wareegay Al shabaab Janaay Cabadlle.

Tuulada Janaay Cabdalla, oo 60KM waqooyi uga beegan Kismaayo ayaa hada waxaa dib ugu soo laabtay Malleeshiyada Al-shabaab, kadib markii ciidamada huwanta ah ay xalay soo faarujiyeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Jubbaland oo ku aadan qaraxa lagu dilay Askrta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM