Somalia: Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Ugu yaraan saddex Askari ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Qaraxa ayaa haleelay Gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidanka Maamulka Jubbaland oo kasoo laabtay Deegaanka Janaay Cabdalle oo shalay ka saareen Al shabaab, sida Goobjooge uu u sheegay GO.

Ciidanka la qarxiyay ayaa waxaa la socday AMISOM iyo Ciidamo kale oo ajaaniib ah oo u dhashay dalka Mareykanka kuwaas oo dhawaan si wada jir ah Howlgal ugala wareegay Al shabaab Janaay Cabadlle.

Tuulada Janaay Cabdalla, oo 60KM waqooyi uga beegan Kismaayo ayaa hada waxaa dib ugu soo laabtay Malleeshiyada Al-shabaab, kadib markii ciidamada huwanta ah ay xalay soo faarujiyeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Jubbaland oo ku aadan qaraxa lagu dilay Askrta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM