Somalia: Qarax ka dhacay duleedka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia – Qarax xooggan, oo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gabal-dhicii maanta waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu.

Qaraxa oo ahaa Miino lagu aasay wadada xiriirisa Muqdishu iyo Afgooye, ayaa haleelay Gaari rakaab ah, nooca loo yaqaano HOMY-da, xilli ay la socdeen Shacab kusii jeeday Caasumada.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in ugu yaraan 3 ruux, oo uu ku jiro Darawalkii Gaariga ay ku geeriyoodeeen qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Qaraxa waxa uu ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Ceelasha Biyaha, gaar ahaan Barkoontarool oo lagu magacaabo Shabeelle, halkaasi oo gaadiidka ku baaraan Ciidamada dowladda Somalia.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyada qaraxa, kaasi oo qeyb ka ah qaraxyo Miino oo mudooyinkan dambe kusoo kordhayaan Inta u dhaxaysa Muqdishu iyo Afgooye.

Al shabaab ayaa inta badan fuliso weerarada lagu qaado Kolonyada Gaadiidka Ciidanka dowladda iyo AMISOM ee isticmaala wadooyinka ku yaalla gobolka Shabeeellaha hoosee.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM