​Somalia: Qarax ka dhacay gobolka Baay

Image

BUURHAKABO, Somalia - Qarax xooggan ayaa kolonyo ay la socdeen ciidamada Eithiopia ee qeybta ka ah AMISOM waxaa lagu eegtay inta u dhaxayso Buurhakabo iyo Baydhobo, oo katirsan gobolka Baay. 

Goob jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa miino lagu aasay wado ku taallo deegaanka Mooda-moode, taasi oo isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo. 

Kolonyada AMISOM oo sahay military u wadeen ciidamo ku sugan saldhigyada ku yaallo degmada Buurhakabo, ayaa la sheegay in khasaaro uu kaso gaarey qaraxa miino, ee lagula eegtay Mooda-moode. 

Al shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa sheegtay in weerarka miino ay ku dileen saddex Askari oo katirsanaa AMISOM, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Kooxda. 

Ma jirto illo madaxbanaan oo xaqiijisay khasaaraha qaraxa saakay ka dhacay deegaanka Mooda-moode.

AMISOM iyo Saraakiisha maamulka gobolka Baay walii wax fahfaahin ah kama aysan bixin weerarka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM