​Somalia: Qarax lagu qabtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Somalia ayaa saaka qabtey waxyaabaha qarxa kadib howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ku yaalla degmada Waaberi, ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha Hay'adaha Amniga ayaa sheegay in ay qabteen Boorso laga soo buuxiyay ashyaada loo adeegsado qaraxa  oo la dhigay xalay Xaafadda 21-ka October, kaasi oo lala damacsanaa Bar-koontarool oo halkaasi ku taalla.

Dadka Shacabka ah ayaa laga saarey Xafadaha ku dhaw Goobta qaraxa lagu qabtey, iyadoo loo yeeray Khubaro dhanka qaraxyada qaabilsan, oo kala fur-furey waxyaabahaasi qarxa ee Boorsado lagu qariyay.

Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa shaaciyay in Ciidamada ay ka feejigan yihiin  Shirqoolada Al shabaab, islamarkaana kahor tageen dhowr qarax laga fulin lahaa Caasumadda Bisha Ramadan-ka.

Wadooyinka Muhiimka ah ee soo gala Muqdishu waxaa la dhigay Ciidan isku dhaf ah, oo baaraya Gaadiidka ka yimaada Gobollada, iyadoo Gudaha magaaladana uu ka soconaya Howlgallo hubka sharci darrada lagu aruurinayo.

Howlgalka Nabad ku Afur loogu magac-daray ayaa u muuqda mid wax badan ka qabtey amniga Muqdishu, marka laga hadlayo dhanka qaraxyada oo Al shabaab bishan marka la gaaro kodrhin jirtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM