Somalia: Ra’isal wasaare Khayre oo booqday Dekadda Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekadda Magaalada Muqdishu, si uu ugu guur galo hannaanka loo shaqeeyo, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.

Xasan Cali Khayre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay kawada hadleen in lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagula wada xisaabtamayo mas’uul kasta oo u shaqeeya shacabka.

Khayre ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.

Maamulka cusub ee dekedda ayuu kula dar-daarmay inay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee loo hayo bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM