Somalia: Ra’isal wasaare Khayre oo booqday Dekadda Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekadda Magaalada Muqdishu, si uu ugu guur galo hannaanka loo shaqeeyo, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.

Xasan Cali Khayre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay kawada hadleen in lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagula wada xisaabtamayo mas’uul kasta oo u shaqeeya shacabka.

Khayre ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.

Maamulka cusub ee dekedda ayuu kula dar-daarmay inay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee loo hayo bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM