Somalia: Roob doon ka dhacday Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Boqolaal ruux, oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Muqdishu iyo Madax sare oo katirsan dowladda Somalia, ayaa Salaad Roob-doon ah maanta ku tukaday Masjidka Isbahaysiga.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madax kale oo katirsan Baarlamaanka cusub iyo Xukuumadii hore ayaa ka qeyb-galay Salaadda Roob-doonka, taasi oo Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay 12-ka Bishan.

Mashaa'iq Soomaaliyeed, macalimiinta Dugsiyada Qur'aanka Kariimka iyo Arday badan, oo kuwa Iskuulada iyo Jaamacadaha dhigta kamid yihiin ayaa si wadajir ah Salaadda ugu tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Culimada ayaa shacabka ku booriyay inay  u gargaaraan Walaalahooda dhibaataysan, ee saameynta ku yeelatay abaarta ka taagan dalka, oo ugu deeqaan waxii ay awoodaan, si loo badbaadiyo nolsha shacab badan.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomalaiyeed dalka iyo dibada kunool inay ka qeyb-qaataan Gurmadka abaaraha, ee hormuudka ah ka tahay dowladiisa cusub.

Mr Kheyre ayaa sheegay in Dalka dadkiisa ayaa wax u qaban karo, gurmadna u samayn karo shacabka ay abaarta ku dhufatay, haddii gacanta la is-qabsado, taasi oo looga maarmi karo in la sugo waqti dheer Hay'adaha caalamiga ah.

Hay'adaha QM iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa hadda wado qaylo-dhaamin, ay dhaqaalo ku raadinayaan, si ay gargaar bini'aadanimo u soo gaarsiiyaan Somalia Lixda bilood ee soo socoto.

Dad lagu qiyaasay 6.2 Million ayay saamaysay abaarta, kuwaasi oo qarka u saaran Macluul inay uu dhintaan, hadii aysan helin gurmad deg deg ah, oo Cunto, Daawo iyo Biyo isagu jiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM