Somalia: RW Khayre oo Booqasho ku tago xarumo dowladdu leedahay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia,Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta.

Booqashadan ayaa la xariirtay sidii uu ugu kuur-gali lahaa qaabka loogu shaqaynayo bulshada.

Ra'iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka, isagoo ka waraystay qaabka ay u howlgalaan.

Is-xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, islamarkaana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

Shalay ayay ahayd markii Xasan Cali Khayre uu booqday, xarunta Dekedda ee Muqdishu.

Xukuumadda uu hogaamiyo ayaa ballan qaaday inay la dagaallami doonto musuqa islamarkaana ka turjumi doonto rabitaanka shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM