Somalia: Saraakiil katirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia- Ciidamada ammaanka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen xubno katirsan kooxda Al shabaab, oo ay ku jiraan hogaamiyaal sar sare.

Cabdi Axmed Cali oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha maamulka Qoryooley ayaa u sheegay GO in xubnaha ay qabteen uu kamid yahay Madaxii howlgalka Al-shabaab ugu qaabilsanaa degmadaas.

Cabdi ayaa tilmaamay  in raggan katirsan Al shabaab lagu soo xiray howlgal ciidamada dowladda Somalia ka fuliyeen deegaanka Farxaane, oo 5KM Koonfur uga beegan Qoryooley.

Wuxuu xusay inay hadda raggaasi su’aalo ku weydiinayaan saldhigga Booliska degmada, islamarkaana ay qorsheynayaan inay kusoo wareejiyaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Ragga la qabtay, waxaa sidoo kale ku jira labo ruux oo la sheegay inay wardiye u ahaayeen saraakiisha gacanta lagu dhigay.

Al shabaab kama aysan hadlin xubnaha la sheegay in lagu qabtay hogal ka dhacay duleedka Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM