​Somalia: Sarkaal katirsan NISA oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab ayaa xalay Muqdishu ku dishay Sarkaal katitsanaa hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA). 

Sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Maxa'ed Cumar ayaa labo nin oo bastoolado ku hubaysan waxay ku toogteeb afaafka hore ee Masjid uu Salaada cishaha kusoo tukaday oo ku yaalla degmada Waaberi. 

Labada dilka fuliysay ayaa baxsday, kahor inta ciidamada amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aysan gaarin goobta, sida ay dad Goob Joogayaal ah u sheegeen Warsidaha Garowe Online. 

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyada dilka, balse waxuu qeyb ka yahay falal amni darro oo kusoo badanaya Muqdishu mudooyinkii dambe. 

Kooxda Al shabaab ayaa dhawaan shaacisay inay la dagaalayso dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyagoo xusay inay diyaariyeen Boqolaal dagaalyahan oo u fuliyo weerarada. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay billaabi doonaan howlgallo military, oo Al shabaab looga saarayo guud ahaan Somalia, kadib markii uu dhacay Qaraxii Suuqa Kaawo-gudey. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM