Somalia: Shaqaale Samafal oo lagu dilay Baardheere

Image

BAARDHEERE, Somalia- Dabley hubaysan ayaa xalay ku dishay degmada Baardheere, ee gobolka Gedo Nin kamid ahaa Shaqaale u shaqeeya Hay'adda Gargaarka ee Laanqeerta Cas (Red cross).

Saraakiisha amniga Baardheere ayaa sheegay in Labo qof oo Bastoolado ku hubaysan ay toogasho ku dileen Xuseen Ilyees Cabdi Madoobe, xilli uu kusii jeeday Gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Buulo-Leysaan.

Madoobe wuxuu sidoo kale ahaa Agaasimihii Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee xarunteeda degmada Bardheere, wuxuuna u shaqeynayay Bisha Cas, sida uu GO u xaqiijiyay Col Maxamuud Guhaad Tima-jilac.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Degmada Baardheere oo gaaray halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen, iyagoo gacanta ku dhigeen dhowr ruux, oo looga shakiyay Dilka Madoobe.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada dilka Marxuumka, mana la oga illaa hadda sababta loo dilay.

Laakiin, Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay tuhmayaan Kooxda Al shabaab, oo inta badan ka fulisa degmadaasi iyo guud ahaan dalka Dilalka qorsheysan, oo lagu khaarajinayo shaqsiyaadka wax-galka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM