Somalia: Timo-jare lagu toogtey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dabley hubaysan, ayaa saaka ku toogtey magaalada Muqdishu Nin dhalinyaro ahaa, oo Goob Timaha lagu jaro ku lahaa Isgoyska Sanca, ee degmada Yaaqshiid.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysan ay ku dileen Tima-jaraha oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Maxamuud, meel ku dhaw gurigiisa, xilli uu kusii jeeday Goobtiisa shaqo.

Marxuum Xuseen Xasan, oo ahaa nin dhalinyaro ah, islamarkaana dadka ku dhaqan Isgoyska Sanca ay aad u yaqaaneen, ayaan la ogeyn sababta dilkiisa ka dambeysay iyo kuwa dilay intaba.

Kooxda dishay Xuseen ayaa goobta isaga baxsatay, kahor inta aan Ciidamada amaanka degmada soo gaarin, walina ma jirto cid loo soo qabtey qofka shacabka ah dilkiisa, sida ay dadka deegeenka sheegeen.

Dilkan ayaa qeyb ka ah qur-gooyooyin iyo weeraro qorsheysan oo si joogto ah uga dhaca magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu, oo hadda 100% ay dowladda maamusho.

Al shabaab oo Muqdishu laga saarey 2011-kii, ayaa wali awooda inay weeraro ka fuliso magaalada, waxaana ay beegsi ku haysaa dadka u shaqeeya dowladda iyo Odayaashii doortey Xildhibaanada BJF.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM