​Somalia: Toos u Daawo doorashada HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa iminka si toos ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose uga socota doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo ay ku tartamayaan ilaa Sideed murashax.

Doorashada ayaa ka socota hoolka Farjano, waxaana Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka HirShabeelle uu sheegay in la diiwaangalinayo Xildhibaanada islamarkaana uu bilaaban doono codaynta wareega koowaad.

Hoolka doorashada waxaa ku sugan Xildhibaaano, Musharaxiinta, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Federaalka.

Murashaxiinta tartami doona ayaa kala ah;

  1. Daahir Cabdulle Cawaale
  2. Cabdiraxmaan Xasan Caddow
  3. Yuusuf Axmed Hagar
  4. Maxamed Caruush Diirow
  5. Cabdinaasir Maxamed Shirwac
  6. Cabdi Faarax Laqanyo
  7. Maxamed Cabdi Waare
  8. Cabdikariin Cali Nuur

Halkan ka daawo Muuqaalka Toorashada HirShabeelle oo si toos ah u socota

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM