Somalia: Waaxyo katirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la wareejiyay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamad Guuleed ayaa ka qayb galay xafladda xil-wareejinta waaxda Gargaarka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta loo wareejiyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah, iyadoo ay munaasabadda ka qeyb galeen labada Wasaaradood ee loo kala wareejinayey waaxaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ku wareejiyey Wasaaradda Gargaarka labo waaxood oo kala ah Waaxda Gargaarka Abaaraha iyo Hay’adda Mareynta Masiibooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu si wanaagsan ay u sagootin doonaan shaqaalaha ka wareegaya wasaaraddooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Abaaraha iyo ka hortaga Musiiboyinka Dibiiciga ah, Cilmi Cumar Caynsane ayaa soo dhaweeyey shaqaalaha ay maanta la wareegeen, waxuuna cadeeyay in lagu wareejiyey shaqaale u diyaarsan shaqada ay qaban doonaan, sidoo kale waxuu soo jeediayey in hay’adaha ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka ay la shaqeeyaan Wasaaradda Gargaarka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay la shaqeynta Waaxahan lagu wareejiyey Wasaaradda Gargaar. Wuxuuna ka sheekeeyey u jeedka loo sameeyey Wasaarada in ay tahay sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo qaabkii looga tabaabushaysan lahaa abaaraha soo noq-noqda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM