​Somalia: Wadooyinka Muqdishu oo xiran iyo Saameynta Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia ayaa xirtay dhamaan waddooyinka Muqdishu, si loo adkeeyay amniga kahor Doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay maalinta Beri ah ka dhacdo xarunta Afisyoni.

Waddooyinka xiran waxay saameyn ballaaran ku yeesheen dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Caasumadda, maadama ay xiranyihiin Goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa shaaciyay shalay in aysan jirin doonin maalmaha Talaadada iyo Arbacada wado furan, isagoo shacabka ka codsaday inay sameeyaan dulqaad.

Ciidamado aad u badan, oo isagu jira Soomaali iyo AMISOM ayaa la dhigay jidadaka, oo lagu gooyay Ciid iyo dhagxaan, iyadoo laga mamnuucay istimaalka Gaadiidka dadweynaha, marka laga reebo kuwa Madaxda dowladda.

Ma jiro wax dhaq-dhaqaaq Ganacsi ah, iyo adeegyada kale ee shacabka nolol maalmeedkooda ku xiran, waxaana taasi sii dheer in wadooyinka qaar sida mida aada Afisyonie loo diiday dadka inay lugta ku maraan.

Doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa u tartamayo 22 Murashax, oo ay kamid yihiin Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, oo loolan aad u adag kala kulmayaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Murashaxiinta ayaa aad walaac uga muujiyay Hanaanka doorashada, oo ay ka digayaan inay ku-shubasho iyo Musuq-maasuq lagu sameeyay codadka Xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM